Golaha Wasiirada Maamulka Jubbaland Oo Kulankooda Todobaad Laha Meel Mariyeen…..

dr.yare November 30, 2017 0

Kulanka Todobaad laha ee Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa manta waxaa lagu falanqeeyay qodobo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen amniga, miisaaniyadda iyo arrimo kale oo la xiriira cadalaadda.

Wasiirada wasaaradaha Amniga, Beeraha, Caafimaadka iyo Cadaaladda ayaa laga dhageystay warbixinno ku saabsan wasaaradahooda, ayadoo intaa kadib ay goluhu ka doodeen Miisaaniyadda sanadda 2018 oo uu soo gudbiyay wasiirka wasaaradda Maaliyadda Mudane C/rashiid Jire Qalinle.

Wasiirka Maaliyadda ayaa u sharaxay golaha wasiirada Miisaaniyadda uu soo gudbiyay iyo waxa ay kaga duwantahay sanadkii hore, isagoo sheegay in Miisaaniyadda sanadkan lagu saleeyay dakhliga dowladda oo meelo kala duwan ka imanaya.

Intaa kadib. Goluhu isugu yimid kulankaasi todobaadlaha ayaa si gacan taag ah ku meel mariyeen Miisaaniyadda.

Dhinaca kale, golaha ayaa warbixinno ka dhageystay wasiirka amniga Jubaland Mudane C/rashiid Xasan C/nuur (Janan) oo ka warbixiyay kulan ay yeesheen golaha amniga dowlad goboleedka Jubaland iyo qorsheyaasha wasaaradda ee dhanka amniga.

Dr. Yare

www.shinganinews.com

Leave A Response »