Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Iyo Masuuliyiin La Socotay Oo La Afuray Ciidanka Xasilinta Dalka…. “Daawo Sawiro”

dr.yare June 11, 2017 0

afu_1

afu_2

afu_3

Raisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen wasiirka amniga gudaha iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo saraakil kale ayaa caawa la afuray ciidanka xasilinta amniga ee ku howlan xoojinta amaanka Muqdisho.

Masuuliyiintan ayaa salaadii maqrib la tukaday lana afuray ciidamo iyo saraakiil ka tirsan kuwa xasilinta amniga, iyagoo kala sheekeystay sida howlgaladu u socdaan iyo caqabada illaa hadda ay la kulmeen.

Raisul wasaaraha iyo madaxda kale ayaa kula dardaarmay saraakiisha ciidanka xasilinta iney iney waajibaadkooda u gutaan si hufan u gutaan iskana ilaaliyaan waxyaabaha dhaawici kara sumcadooda.

Leave A Response »