Dowladda Qadar Oo Qaadatay Qaraar Ka Duwan Dowladihii Xiriirka U Jaray….

dr.yare June 11, 2017 0

The-Pearl-in-Doha-Qatar

Dowlada Qadar ayaa xiligan la kulmeysa xaalad adag oo dhinaca siyaasada iyo dhaqaalaha kadib markii qaar kamid ah Wadamada Carabta ay shaaciyeen in ay xariirka u jareen Dowlada Qadar oo lagu eedeeyay in ay taageerto kooxaha argagaxisada.

Qaar kamid ah Wadamada xariirka u jaray Qadar ay ku jiraan Sacuudiga iyo Imaaraatka ayaa maalmo u qabtay in dalalkooda uga baxaan muwaadiinta u dhashay dalka Qadar, waxaana dadkaasi lagu amra in dalkooda dib ugu laabtaan.

Dowlada Qadar ayaa go’aan ka duwan midka ay qaateen Dowladaha xariirka u jaray qaadatay, waxa ayna Shaaca ka qaaday in dalkooda aysan ka eryi doonin muwaadiininta kasoo jeeda dalalka xariirka u jaray muwadaiintoodana soo eryay.

Wakaalada Wararka dalka Qadar ayaa shaacisay in Muwaadiniina u dhashay Sacuudiga iyo Wadamada kale ee xariirka u jaray dalka Qadar aan laga eryi doonin dalka Qadar, waxaana qadar jooga Muwaadiniin badan oo u dhashay wadamada xariirka u jaray dalkaasi.

Xiisada Siaasadeed ee ka taagan Wadamada Khaliijka Carabta ayaa sii xoogeestay, waxaana sii kordhaya wadamada la caloobaya dowlada Qadar una jaraya xariirka, waxaana saameynta xiisadaasi si weyn looga dareemay Wadamada Khaliijka Carabta.

Dr.Yare
www.shinganinews.com

Leave A Response »