Beesha Habar Idiinle Oo Kalsoonida Kala Noqday Xildhibaanada Matala Dowladda Soomaaliya….

dr.yare June 10, 2017 0

Kulamo is daba joog ah oo maalmahaan ka socday magaalada muqdisho oo ey iskugu yimaadeyn Salaadiin, Nabadoono, cuqaal, aqoonyahano iyo siyaasiyiin ka soo jeeda beel ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa waxay cabasho ka muujisay Xildhibaandooda ku kala matala labada aqal.

Beesha Habar-adinle oo ka mid ah qabiilka Murusade ayaa waxay soo saareyn war-saxaafadeed ay cabasho ugu muujinayaan Xildhibaanadooda, iyagoo ku eedeeyay boob loo maray awood sheegasho dowladeed.

Beeshu ayadoo ilaalinaysa wada dhalashada dhexdeeda ah ayay dalbtay dadkii boobka gaystay waana ay u garaabi waayeen , waxa ayna Beeshu is dul-taagtay ineysan xuquuqdooda ku metelin, mas’uulna ugu ahayn heer federal iyo mid gobol intaba .

Halkaan Aqriso Qoraalka Habar Idiinle

idinle

Leave A Response »