Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada iyo Qaar Ka Mid Ah Guddoomiyeyaasha Cusub ee Degmooyinka Oo Qeybo Ka Mid Ah Magaalada Muqdisho Ka Sameeyeen Ololo Nadaafadeed …. Daawo Sawiro….

dr.yare May 25, 2017 0

Guddoomiya Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada ayaa Hogaaminayay qaar ka mid ah Guddoomiyayaasha Degmooyinka oo isugu jira kuwa hore iyo kuwa cusubba iyagoo ka shaqeynaayeen Bilicda Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyayaasha ka qeyb galay ololahaasi nadaafadeed ayaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Degmada Xamar Weyne Cumar Shariif Maye (Cumar Jeek) iyo Guddoomiyaha Hore ee Degmada Xamar Weyne Mudane Saciid Cabduqaadir Saciid.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ollahaani nadaafadda kala qeyb galay qaar ka mid guddoomiyeyaasha cusub ee Degmooyinka iyo qaar kale oo ka mid ah kuwa hore.

Mudane Taabit ayaa ku sheegay in Muqdisho ay tahay muraayadda Dalka loona baahan yahay in aad looga shaqeeyo nadaafadda dalka iyadoo loo shaqeynaayo si wadajir a, sidoo kale guddoomiyaha ayaa baaq u jeedday dhamaan bulshada soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan nadaafadda dalka iyo amniga magaalada muqdisho

Guddoomiyaha iyo inta uu hogaaminaya ayaa ku soo wareegay Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho iyagoo wadooyinka qaar ay ka nadiifiyeen qashinka dhex daadsan wadooyinka Magaalada Muqdisho.

ollahaani nadaafada ayaa imaanaya xilli Guddoomiye Mudane Taabit uu soo nmagaacay 15 Guddoomiye Degmo iyagana ay soo bandhigayeen wax qabadkoodii ugu horeeyay ay u fulinayaan Shacabkooda.

1

2

3

4

5

6

7

8

9

Dr. Yare
www.shinganinnews.com

Leave A Response »