Saakay Oo Xukun Dil Toogasho Ku Riday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Ninkii Ka Dambeeyay Dilkii Taliye Ka Tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

dr.yare May 25, 2017 0

download

Maxkamada Ciidamada qalabka sida dowlada Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ak ku fulisay ninkii ka dambeeyay dil loo geestay Taliyihii ciidamada Nabad Suggida Gobolka Shabellaha Dhexe C/wali Ibraahin Maxamed.

Fagaare ku yaala Iskool Buluusiya ee magaalasa Muqdisho ayaa saakay lagu toogtay Yuusuf Xuseen Maxamuud oo lagu helay in uu ka dambeeyay dilka Taliyihii ciidamada Nabad Suggida Gobolka Shabellaha Dhexe.

Saraakiil katirsan Maxkamada ciidamada qalabka sida iyo masuuliyiin kale ayaa goob joog ka ahaa fagaaraha uu saakay ka dhacayay xukunka dilka ah ee lagu fulinayay ninkan ka dambeeyay dilka C/wali Ibraahin Maxamed.

Taliyihii ciidamada Nabad Suggida Gobolka Shabellaha Dhexe C/wali Ibraahin Maxamed ayaa lagu dilay magaalada Jowhar bishii June ee sanadkii hore, waxaana ninkan dilka geestay uu kamid ahaa ilaalada taliyaha uu dilay.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa horey u dishay rag lagu eedeeyay in ay katirsan yihiin Al Shabaab iyo kuwa kale oo iyana lagu helay in dilal bareer ah geesteen, waxaana dilkii ugu dambeeyay maalmo kahor lagu fuliyay ninkii ka dambeeyay qaraxii ka dhacay Suuqa Beerta ee Muqdisho.

Dr. Yare

www.shinganinews.com

Leave A Response »