Axmed Shire iyo Shukaansigiisii Ugu Horeeyay….. HHHHH

dr.yare May 22, 2017 0

14237668_318778608476917_258605065755478392_n

Hada ka hor baa waxaan jeclaaday gabar iga da’weyn, Waqtigaas Aniga aad ayaan Aqliga uga yaraa, mana Aqaanin Sida qof dumar ah loo
shukaansado, Habenkii koowaad waxaan ugu tagay gurigeeda, mana aqaanin qofta Ereyo aan kushukaansado, habenki koowaad waxaan ugu
sheekeeye mid aan sxbo nahay oo dariskeena ahaa, si fican ayaa uwada xamanay, Anigoo isfaaninaayo, Habenki labaad waxaan uga
sheekeeyey Mid dukaanle ah, Asagana si fican ayaa uwada xamanay, Anigoo is faaninayo, Habenki sedexaad waxaan ugu sheekeeyey
dagaalo ka dhacay Muqdisho,

Markaas kadib Gabadhi baa waxey itiri, Walaalow Adiga mataqaanid miyaa wax aan dagaal iyo Xan aan ka aheyn, Aniga aad ayaan iskugu naxay Hadalkii baa igu xirmay, Anigoo waxaan Sameeyo garan la, ayaa Mid aan sxbo nahay igu dhahay Nin yahow Waxad soo gadataa
Buugaagta jaceylka.

kadib geeraarada ka aqriso, sidi ayan sameeyey buug jaceyl ayaan soo gatay, Waqti walbo hal geeraar ayaan xifdini jiray, Anigoo
isdhahaayo isbuucaan waxaad kuhadasho waad heysataa, kadib waxaan utagay gabadhii, Geeraarkii ayaan dawada uqabtay sida qof quraan aqrinayo cml, Anigoo isdhahaayo hadaad aamusto geeraarka ayaa kaa kala dhumaayo, Kadib markaa geerarkii dhemeeyey, Gabadhii ayaa
igu qososhey oo idhahday geeraarkan hore ayan u aqristay wuxu kuyaalaa buuga noocaas iyo noocaas ah,

Aniga naxdin ileen waan fashilmay wax kaloo aan kuhadlo mahayo, markaas kadib waxan Umaleyni jiray, Shukaansiga inuu yahay wax jaamacad looga soo baxay, Maanan ogeyn Shukaansiga inuu yahay Ereyo mcn, Sida Mcny Wan kujeclahay, Kaama Maarmo, Daqiiqad hadaan kuwaayo waxey iila mid tahay Anigoo Hal sano kuwaayey, Iyo Erayo Kale oo Mcn oo Qofka lagu soo jiito,

Dr. Yare
www.shinganinews.com

Leave A Response »