Shirkii Madaxda Islaamka iyo Mareykanka oo Ka Furmay Riyadh Iyo Trump Oo Khudbad Ka Soo Jeediyay…

dr.yare May 22, 2017 0
Kingdom tower

Kingdom tower

Waxa magaalada Riyadh ee dalka boqortooyada Sacuudiga ka furmay shirkii madaxda islaamka iyo Maraykanka.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo khudbad ka jeediyey furitaankii shirkan ayaa ugu baaqay dalalka Muslimka ah inay u midoobaan dagaalka laga soo horjeedo kooxda Daacish.

Hogaamiyeyaasha dalalka Carabta iyo Muslimka ee ka qayb galaya kulanka ka dhacaya magaalada Riyad ayuu sheegay in dagaalka lagula jiro xagjirka uu yahay mid u dhexeeya wanaagga iyo xumaha.”

Trump, oo ku gudajira booqashadiisii u horreysay ee uu ku tago dibadda isagoo madaxweyne ah, ayaa sheegay in Maraykanka uu doonayo waddamo isbahaysi ah “kuwaasoo wadaaga hadafka ah cirib tirka xagjirnimada.”

“Tani ma ahayn dagaal u dhexeeya diimo kala duwan, kooxo kala duwan, ama ilbaxnimooyin kala duwan,” ayuu yiri Trump. “Tani waa dagaal u dhexeeyadambiilayaasha Axmaqiinta ah ee raadinaya inay tirtiraan nolosha aadanaha, iyo dadka wanaagsan ee ka soo kala jeeda diimaha kala duwan ee u baahan in la ilaaliyo.

Madaxweyne Donald Trump oo lix wadan oo Muslim ah oo ay ka dhaceen weerarro argagixiso ka mamnuucay inay soo galaan Mareykanka, ayaan adeegsan halku dhagiisii ahaa “Argagixisada Asal-Raaca Islaamka ah” kaasoo ah mid si joogto ah ugu jira khudbadihiisa dalkan Maraykanka, taa beddelkeeda ayuu hoggaamiyaasha Muslimka ugu baaqay inay si hagar la’aan ah uga hortagaan argagixisada “dhibaatooyinka xag-jiriinta Muslimka ah iyo kooxaha Islaamistayaasha ah ee ay dhiirragaliyaan.”

Soomaaliya waxaa uga qeyb galaya shirkaas Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo shalay gaaray magaalada Riyadh.
Dr. Yare
Www.shinganinews.com

Leave A Response »