Madaxweynaha Soomaaliya Oo Casuumaad u fidiyay Boqorka Dalka Qatar

dr.yare May 22, 2017 0

frj

www.shinganinews.com Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu booqasho rasmi ah ku tagayo magaalada Doha ee dalka Qadar ,kadib markii casuumad uu ka helay Boqorka dalkaasi Sheekh Tamiim Bin Xamid al-Thani.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Boqorka Qadar ayaa la sheegay in kulan kooban ku yeesheen magaalada Riyaad ee xarunta dalka Sacuudiga Shirweyn oo Dalkaasi Sucuudiga ka dhacay ka dib, iyagoo labada masuul kawada hadlay xoojinta xariirka ka dhaxeeya labada dal.

Boqorka Dalka Qadar Sheekh Tamiim Bin Xamid al-Thani ayaa ku casuumay Madaxweyne Farmaajo in booqasho ugu yimaado magaalada Doha, Boqorka ayaana ku adkeeyay Madaxweyne Farmaajo casuumada uu u fidiyay sidaa uu sheegay Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya,

Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu ku jiray olalaha doorashada ku dhaliilay Madaxdii ka horeysay safarada badan ay dalka dibadiisa uga baxaan, hasa ahaatee Madaxweynaha ayaa hada u muuqda mid isagana safar badan Dalka dibadiisa uga baxayo maalmaha uu xilka hayay.
Casuumadaha uu Madaxda caalamka qaarkood ka helayo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sii kordhaya xili lagu dhaliilayo in ay tira bateen safarada uu dalka uga baxay mudada yar uu Madaxweyne Farmaajo xilka hayay.
Hadalkaani ayaa wuxuu imaanayaa Xilli Madaxwene Farmaajo uu 100 kii maalmood uu dalka hayay uu dalka dibadiisa uu aaday safaro gaaraya 8 safar.

Dr. Yare
www.shinganinews.com

Leave A Response »