Roob weyn oo ka da’ay deegaanada Puntland iyo Biyaha oo qaaday Hooyo iyo cunug ay dhashay

dr.yare December 21, 2016 0

(XAMARWEYNE.COM):-Deegaanada Puntland gaar-ahaan Gobolka Nugaal ee dhulka Puntland waxaa laga soo sheegayaa roobab waa weyn oo sababay qasaare nafeed iyo mid hantiyeed .

Warka ugu naxdinta badan ayaa sheegaya in roobabku qaadeen hooyo iyo cunug 8 bilood jira oo ay dhashay markiibiyo xoogan ay qaateen .
Aabaha dhalay qoyska ay mashaqadaan ku dhacday Maxamuud Cismaan Maxamed ayaa saxaafada u sheegay in xaaskiisa iyo cunigisaba aan lagu heyn nolol iyo geeri inaba ,isagoona ka codsaday maamulka Puntland inay caawiyaan.

“Biyaha qaaday xaaskeyga iyo cunugeyga waxay ka yimaadeen dhanka Togga Suuj ee Gobolka Nugaal ,sidoo kale biyuhu waxay qaadeen xoolihii reerku lahaa”ayuu yiri Maxamuud Cismaan Maxamed .

Xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

Leave A Response »