Hagaajinta sariirta caajislow ma ku tahay mid ishagaajinaysa oo la soo saarey

shingani June 14, 2012 0

In badan oo ka mid ah bini’aadamka waxaa ku ah dhib inay hagaajiyaan sariirta uu qofku subixii ka kaco ama uu waji qurxoon uga tago goobta uu ka kacay, tanina waa hawsha ugu badan ee maalinlaha ah.

Caajislow badan jecel oo in uu isaga tago halkii uu seexdey iyadoo aad moodo in uu dhulgariir ka dhacay, ama duufaan qaaday, qaar baa jecel in go’a ama bustaha uu ka kacay ay u daayaan in dad kale hagaajiyaan oo aanayba u aheyn in hawsha ugu horeyso ee hawlmaalkeeda ay tahay hagaajinta halkii ay hurudeen.

Hadaba markii arinkaasi laga daalay oo lagu sameeyey baaritaano fara badan ayaa waxaa haatan la hindisay sariir ceeb qaris ah oo u roon dadka caajiska badan ee gogoshooda maaro looga waayey inay hagaajiyaan.

Shirkad lagu magacaabo OHEA oo laga leeyahay wadanka Spain ayaa hindistey soona saartey soona bandhigtey sariir cusub oo aan wax hawl ah kaa rabin oo sidii aad ugu jiiftey inta ka kacdo iyado is hagaajinaysa oo is toosinaysa.,

Tani ogow waa horumarka dunida ku talaabsanayso ee la xiriira dhanka technology-da, waana hab cusub oo asturaad u ah dad badan oo hagaajinta sariirahooda maaro looga waayey.

Caruurta qudhooda ayay u tahay sariirtan mid u fudud inay si fudud isaga hagaajiyaan halkii ay hurdeen.

Sariirtan waxay ku shaqeynaysaa koronto waxaana loogu magac darey Smart Bed waxaana bogga Internet-ka ee shirkadaasi lagu soo bandhigay sariirtan caaqilada (Smart bed) ee iyadu ismaamulayso ama is hagaajinaysa.

Sariirtan waxay u shaqeysaa laba hab oo kala ah automatic ( iyo manual (gacan ka wad), mudo 50 ilbiriqsi ah ayay isku hagaajinaysa oo bustaha, barkinta iyo go’a sariirtu ku noqonayaan in gacanta lagu feereeyey sida ay isu toosinayso.

Labada hab ee sariirtu isu hagaajinayso ayaa kala ah kan automatic-ga sariitu waxay leedahay dareeme (sense) oo dareemaya marka qofku ka kacay iyadoo bilaabaysa inay is hagaajiso, kan kalena waa midka  manual-ka ah ama (gacan ka wad) oo qofku marka uu ka kaco uu isagoo ka maamulaya badhan uu hagaajinayo.

Sariirtan waxaa labada gees kaga rakiban qalab gees ka gees soconaya oo inta uu qabto bustaha ama go’a toosinaya iyadoo barkimaha inta kor u kacaan ay uu hoos galayo go’a ka dibna wax walba ku noqonayaan sidii loogu tala galay.

Shirkada OHEA oo ah shirkad farsameysa qalabka guryaha wali ma aanay shaacin qiimaha ay ku beecinayso sariirtan, waxayse ku soo bandhigtey bogeeda website-ka sariirtan warbixinada ku aadan iyadoo laga dhigay wax soo dhaw (coming soon).

Link-ga video-ga hoose ka daawo qaabka sariirtan u shaqeynayso iyadoo lagu seexanayo ka dibna laga soo toosayo iyo sida ay isu hagaajinayso.
HALKAN RIIX

Mowliid Xaaji Cabdi

Leave A Response »