Eden Hazard oo Arsenal iyo Man utd ka saaray liiska kooxaha sanadkaan rajada leh inay qaadaan Horyaalka

dr.yare November 28, 2016 0

chelsea
(XAMARWEYNE.COM):-Kubad qaabeeyaha Kooxaha Chelsea Eden Hazard ayaa gabi ahaanba liiska ka saaray in kooxaha Arsenal iyo Man Utd ay sanadkaan awood u leeyihiin inay u tartamaan Horyaalka England – Premier League .

Hazard mar uu ka hadlayay kooxaha sanadkaan Chelsea kula tartami kara horyaalka ayuu sheegay iayn ka cabsi qabaan inay kula tartami karaan horyaalka kooxaha Liverpool iyo Man City.

Ciyaaryahankaan wuxu soo hadal qaaday kulanka aadka u adag oo asbuuca soo socda ay la leeyihiin Kooxda Man City walibana ay marti noqon doonaan wuxuuna sheegay in kulankaasi yahay mid dhanoooda ka adag laakiin ay rajeynayaan inay guul ka soo gaaraan garoonka Etihad Stadium.

Si kastaba Chelsea waxay iminka 31 dhibcodo ku heysaa Horyaalka England – Premier League .waxaana ku soo xiga Liverpool iyo Man City oo leh min 30 dhibcood .

Xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

Leave A Response »