Diyaarad ka baxday Garoonka Muqdisho oo shil ku gashay Nayroobi

dr.yare November 28, 2016 0

(XAMARWEYNE.COM):- Diyaarad aan wali faahfaahin laga helin cida saarneyd kana baxday Garoonka Aadann cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa shil ku gashay garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nayroobi.

Diyaaradaan ayaa la sheegay in markii ay degi lahayd ay u bixi waayeen cagaha taasoo keentay inay shil kugasho wadada dheer ee diyaaraduhu ku ordaan ee gudaha garoonka Jomo Kenyatta.

Shilkaan oo aaney jirin cid dhibaato ay ku soo gaartay ayaa sababtay in garoonku u xayirmo,qaar ka mid ah diyaarado halkaasi ku dagi lahaana meelo kale loo weeciyay.

Madaxda Maamulada garoomada Aadan Cade iyo Jomo Kenyatta midkoodna kama hadlin diyaaradaasi dadka saarnaa iyo waliba shirkada iska leh intaba.

Xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

Leave A Response »