Hanti dhowraha Qaranka “Doorashada Soomaaliya Ma Aha Ansax”

dr.yare November 20, 2016 0

Hanti-dhowraha Qaranka Soomaaliyeed Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa si kulul uga hadlay habka ay Dowladu wax ku maamuleyso marka la eego doorashooyinka ka socda dalka sida xubnaha aqalka sare iyo aqalka hoose.

Sida aan ka soo xiganay idaacada Voa-da Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr Nuur Jimcaale Faarax ayaa sheegay in doorashada waddanka ka socota ay hadheeyeen ficillo musuqmaasuq ah oo ay ka mid yihiin codadka oo la kala iibsanayo, ku takri-fal awoodeed iyo cabsigelin.

Waraysi khaas ah oo uu siiyey VOA ayuu ku sheegay inay diiwaangeliyeen ilaa lix kursi oo musharraxiinta haatan ku fadhida ay kusoo baxeen qaab sharci aan ahayn.

Hanti dhowraha wuxuu tilmaamay in loo diiday inuu isla xisaabtan dhab ah ku sameeyo qarashaadka soo galay Guddiga Doorashada dadban ee dalka.

0:00:00 /0:08:12

Leave A Response »