Natiijada Horyaalada Britain,Italy,Germany iyo Spain (Ronaldo oo sedexley dhaliyay)

dr.yare November 20, 2016 0

Soccer - UEFA Champions League - Real Madrid v AJ Auxerre - Santiago Bernabeu
(XAMARWEYNE.COM):-Waxaa xalay iyo shalay galab la ciyaaray kulamo ka tirsan horyaalada kubada cagta Dalalka Britain,Italy,Germany iyo Spain kuwaasoo qaarkood ahaayeen kulamo aad u adag.

SPAIN:

Horyaalka Spain hadaan ku hor marno waxaa iska hor yimid kooxaha waa weyn ee kala ah Real-madrid iyo Atletico Madrid ,ciyaartaas oo ahayd mid si weyn loo wada sugayay waxaa 3-0 ku adkaaday kooxda Realmadrid.

Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo oo ka mid ah weeraryahan adduunka ugu fiican ayaa dhaliyay sedex-gool oo mid ka mid ah uu ahaa rigoore isla isaga lagu galay.

Guud ahaan kulamada Spain laga ciyaaray ayaa sidan u dhacay:-

Deportivo La Coruna 2 – 3 Sevilla
Barcelona 0 – 0 Malaga
Eibar 1 – 0 Celta Vigo
Atletico Madrid 0 – 3 Real Madrid

England – Premier League

Sidoo kale kulamadii xalay ka dhacay dalka Britain waxaa ka mid ahaa kulankii dhexmaray labada Kooxood ee ka mid ah kuwo ugu awooda badan horyaalkaasi ee Manchester United iyo Arsenal taasoo ku soo idlaatay 1-1.

Hadaba halkaan ka eeg guud ahaan sida kulamadii shalay u dhaceen

Manchester United 1 – 1 Arsenal
Crystal Palace 1 – 2 Manchester City
Everton 1 – 1 Swansea City
Southampton 0 – 0 Liverpool
Stoke City 0 – 1 AFC Bournemouth
Sunderland 3 – 0 Hull City
Watford 2 – 1 Leicester City
Tottenham Hotspur 3 – 2 West Ham United

Italy – Serie A

ChievoVerona 1 – 0 Cagliari
Udinese 1 – 2 SSC Napoli
Juventus 3 – 0 Pescara

Leave A Response »