SAWIRO: Shil Tareen oo ka dhacay dalka India iyo dad badan oo ku dhintay

dr.yare November 20, 2016 0

(XAMARWEYNE.COM):-Wararka laga helayo dalka India ayaa sheegaya in shil saaka ka dhacay waqooyiga dalkaasi ay ku dhinteen dad badan kuwo kalana ay ku dhaawacneen.

Inta la ogyahay 30 ruux ayaa ku dhimatay shilkaasi markii tareenka ay saarnaayeen uu wadada ka baxay sidaasna ku burburey,xili uu ku sii jeeday waqooyiga dalkaasi.

Mas’uuliyiin dhanka tareenada ayaa warbaahinta u sheegay in tiro sax ah aan xiligan la sheegi islamarkaana tirade iminka la hadal hayo ee 30-ka ah ay ka sii badan karto.

Dalka India wuxuu ka mid yahay dalalka ay ka dhacaan shilalka ugu badan ee dhanka tareenada,inta badan shilalka ayaa yimaada marka tareenadu isku dhacaan iyo marka tareenku wadada ka baxo.

Xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

tr

tr1

tr2

tr3

tr4

tr5

tr6

tr7

tr8

tr9

tr10

Leave A Response »