Wariye ku geeriyoodday goor dhow Dagaalka ka socda Magaalada Gaalkacyo

dr.yare November 6, 2016 0

(xamarweyne.com):-Wararka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in mid ka mid ah wariyayaasha ka howlgala halkaasi uu ku geeriyooday dagaalka u dhexeeya maamulada Galmudug iyo Puntland.

Wariyaha oo lagu magacaabi jirey Mahad Cali Maxamed oo ka tirsanaa Idaacadda Codka Mudug ayaa la xaqiijiyay geeridiisa kadib markii sida la sheegay ay haleeshay xabad wiifto ahayd xili uu ku sii socday xarunta idaacadaasai.

Rabi ha u naxariistee wariye Mahad Cali Maxamed waxaa la sheegay in xabadu ka haleeshay madaxa sidaas daradaeed uu geeriyooday walow isbitaalka dhaawac ahaan loogu qaaday.

Wararka ugu danbeeya ee laga helayo colaada gaalkacyo ayaa sheegeysa in dhimashadu sii cagacageyneyso ilaa 15 ruux halka dhaawucuna intaas ka sii badan yahay.

xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

Leave A Response »