DEG DEG: Dagaal Saaka dib uga bilowday Magaalada Gaalkacyo

dr.yare November 6, 2016 0

(xamareyne.com):-Wararka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka dagaal hor leh uu dib uga qarxay Magaalada gaar ahaan xaafada Garsoor oo labada dhinac isku hayaan.

Dagaalka Saaka waxaa la soo sheegayaa inuu saameyn ku yeeshay xaafada Garsoor islamarkaana la is dhaafsanayo rasaasta kala duwan xili dhawaan heshiis xabad joojin ah la kala saxiixday.

Inkastoo dagaalku socdo hadana wali wax faahfaahin lagama hayo khasaaraha nafeed ee soo kala gaaray ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntland ee isku haya Magaalada Gaalkacyo oo ay ku wada sugan yihiin.

Si kastaba Dagaalka saaka wuxuu astaan u yahay inay burburtay heshiiskii xabad joojin ee labada madaxweyne ee Gamudug iyo Puntland ku wada saxiixeen Magaalada Dubai ee xarunta dalka Imaaraadka Carabta.

xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

Leave A Response »