Xoogaga alshabaab oo xoog ku qabsaday Goof Gaduud waxyarna u soo jira Magaalada Baydhabo

dr.yare October 30, 2016 0

(Xamarweyne.com):-Dagaal xalay ka dhacay deegaanka Goof gaduud ee Gobolka Bay ayaa la soo sheegayaa inay shabaabku kula wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi.

Wararka ayaa tilmaamaya in alshabaab iminka Baydhabo u soo jirsadeen 30 Km oo kaliya halkaasoo ah xarunta maamulka Koonfur galbeed.

Ciidamada Dowlada ayaa la soo sheegayaa inay ka baxeen deegaanka Goofgaduud markii weerar xoogan ay ku soo qaadeen xoogaga alshabaab ayna iska cabin waayeen.

Alshabaab waxay kordhiyeen weeraradooda bilahaan danbe iyagoona la wareegay degmooyin iyo deegaano ka tirsan dhulalkii hore looga saaray waxaana ugu danbeeyay degmada Tayaglow oo ay maalmo ka hor dib u qabsadeen markii ay isaga baxeen itoobiyaanka.

Xafiiska Muqdisho
Xamarweyne.com

Leave A Response »