Maamulka Galmudug oo xoog ku soo furtay haweeney ajanabi ah oo lagu heystay Soomaaliya

dr.yare October 30, 2016 0

(Xamarweyne.com):- Ciidamada nabad sugida Maamulka Galmudug ayaa la soo sheegayaa inay xalay xoog ku soo furteen haweeney ajanabi ah oo kooxaha wax afduubta ay ku heysteen Soomaaliya.

Haweeneydaan la soo furtay oo u dhalatay dalka Kenya ayaa lagu heystay Degaanka Camaara ee Gobolka Mudug waxaana ugu danbeyn xalay weerar ay qaadeen soo furtay ciidamada nabad sugida Maamulka Galmudug.

Sidoo kale ciidamada Galmudug ayaa sidan oo kale u soo furtay nin lala afduubtay haweeneydaan kaasoo gacantooda soo galay 17-kii bishii febraayo halka haweeneydaan la soo helay 8 bil ka dib .

Haweeneydaan kenyaatiga ah oo gacanta burcad badeeda ku jirtay ilaa sanad iyo bar ayaa la geeyay Magaalada Cadaado waxaana lagu wadaa iny maantaba loo dhoofiyo Nayroobi si ay ehaladeeda ula midowdo.

Xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

Leave A Response »