Maamulka Ahlu suna eoo ka hadlay ciidamada Amisom ee la geeyay Cadaado iyo ka bixitaanka Itoobiya degmooyinka qaar

dr.yare October 30, 2016 0

(Xamarweyne.com):-Madaxweynaha maamulka Gobolada dhexe ee Ahlu suna ayaa ka haday laba arimood oo kala ah ciidamada Amisom ee la geeyay Cadaado iyo ka bixitaanka Itoobiya degmooyinka qaar.

Sheekh Maxamed Shaakir Madaxweynaha maamulka Ahlu suna wuxuu sheegay in ciidamada la geeyay Cadaado ay yihiin Jabuutiyaan isagoona ku eedeeyay inay la kala safteen Soomaalida halkii laga rabay inay dhexdhexaad ahaadaan.

Inkastoo sii faahfaahin dhaliisha uu u jeediyay Ciidamada Jabuuti haddana wuxuu muujiyay sida uu uga xunyahay in ciidamo Jabuuti ah la geeyo Cadaado.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee deegaanada qaar isagoo xusay in Dowlada Soomaaliya looga baahnaa inay diyaariso ciidamo Soomaaliyeed oo buuxiya boosaska la baneeyo.

“Intii ay Amisom dalka ku sugneyd Dowlada Soomaaliya waxaa looga baahnaa inay diyaariso ciidamo badel u noqda kuwa Amisom hadii loo baahdo”ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir

Dhanka kale wuxuu ku dhaliilay madaxda Dowlada Soomaaliya ee xiligaa inay ku fashilmeen cidii buuxin laheyd boosaska ay baneeyeen ciidamada Itoobiya oo aan ka tirsaeyn kuwa Amisom.

Xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

Leave A Response »