Ciidamada Kenya ee ka howlgala Soomaaliya oo Midowg Yurub ka helay lacag ka maqneyd

dr.yare October 24, 2016 0

(Xamarweyne.com):-Kadib 7 bilood oo mushaar la’aan ay ahaayeen ciidamada Kenya ayaa iminka la sheegayaa inay heleen mushaarkooda.

Midowga Yurub ayaa siiyay lacag dhan 198 Milyan oo lacagta kenya ah si loogu qeybiyo ciidmada Kenya ee ka howlgala Soomaaliya kuwaasoo ilaa febraayo aan helin wax mushaar ah.

Ciidamada Kenya ee ka howlgala Soomaaliya oo lagu qiyaasay 4kun askari ayaa bil kasta waxay ku xisaabtamaan askarigiiba Kun doolar iyo xoogoo jajab ah.

Lama yaqaan ciidamada kele ee Amisom inay la mid yihiin kuwa Kenya oo ay iyagana heleen iyo in kale laakiin Dowlada Kenya waxay lacagtaan heshay bishii sebtember.

Xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

Leave A Response »