C/raxmaan Faroole “Cumar C/rashiid kaligiis ma xalin karo colaada Gaalkacyo waa in Xasan Sheekh soo farageliyaa”

dr.yare October 24, 2016 0

(Xamarweyne.com):-Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland C/raxmaanFaroole ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya inuu soo farageliyo colaada ka taagan magaalada Gaalkacyo si xal loogu helo.

“Cumar C/rashiid kaligiis ma xalin karo colaada Gaalkacyo waa in Xasan Sheekh soo farageliyaa hadii waxaa noo cadaanaya inay sax tahay tuhuno jira”ayuu yiri C/raxmaan Faroole

Faroole oo hada xubin ka ah xildhibaanada aqalka sare wuxuu tilmaamay in dagaalka Gaalkacyo uusan ahayn mid la sahlan karo islamarkaana uu yahay mid qaran.

“Dagaalka Gaalkacyo maaha mid u dhexeya laba maamul ee mid qaran sidaas daraadeed waa in xasan sheikh tago Gaalkacyo si guudna loo wada xaliyaa.

Xildhibaanka wuxuu xusay in Gaalkacyo colaada ka jrta ay tahay mid taariikh hore ku leh dalka ayna tahay in si mieysan loo joojiyo.

Faroole inkastoo uusan cadeyn hadana wuxuu ku celceliyay inay jiraan tuhumo badan iyo waxyaabo uu sheegay in la isla dhax marayo.

Xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

Leave A Response »