Xubnaha u tartamaya aqalka sare ee dhanka Hirshabele oo la faray inay tagaan Magaalada Jowhar

dr.yare October 23, 2016 0

(Xamarweyne.com):- Madaxweynaha maamulka Hirshabele Cali C/laahi Cosoble ayaa xaqiijiyay in Magaalada Jowhar lagu dooran doono Xildhibaanada Aqalka sare qoondada ay ka heleen Dowlada Soomaaliya.

Madaxweyne Cali C/laahi wuxuu faray dhamaan xubnaha diyaarka u ah inay u tartamaan aqalka sare inay yimaadaan Magaalada Jowhar halkaasoo ay doorashadu ka dhici doonto.

Mudanayaasha baarlamaanka Hirshabele ayaa lagu wadaa inay cod qarsoodi ah ku kala xulaan tartamayaasha oo dhawaan liskooda laga sugayo Madaxweynaha Hirshabele.

“waan soo gudbinayaa sida ugu dhow xubnahaya uu tartankaa ka dhaxeeyo sidaas daraadeed waxaa laga rabaa inay degdeg ku yimaadaan Jowhar si looga soo saaro xubnaha rasmiga ah ee matali doona dhanka Hirshabele”ayuu yiri Madaxweynaha maamulka hirshabele

Doorashada xubnaha aqalka sare ayaa ku soo aadeysa xili wali odayaal iyo siyaasiyiin reer Hiiraan ah ay mucaaradsan yihiin dhismaha maamulka Hirshabele waxaana ka mid ah Ugaaska beesha Xawaale Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, Maxamuud Axmed Nuru Tarsan oo ka mid ah musharixiinta Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ahaana Gudoomiyihii hore ee maamulka Gobolka Banaadir iyo Xildhibaan C/laahi Goodax Barre oo soo noqday wasiirka arimaha gudaha.

Xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

Leave A Response »