Amisom oo duqeysay Deegaanka Janaale

dr.yare October 23, 2016 0

(Xamarweyne.com):-Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom loo yaqaan ayaa xalay tiro madaafiic ah waxay ku duqeeyeen degeenaka Janaale ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Janaale waxaa gacanta ku haya xoogaga alshabaab laakiin dad shacab ah ayaa kula nool halkasi lamana yaqaan khasaaraha ay madaafiicdaasi geysteen.

Dadka deegaanka ayaa saxaafada u xaqiijiyay inay dhowr madfac ku soo dhaceen gudaha Jalaane walow aan warar xaqiiqo ah laga heyn waxa shabaab ka soo gaaray iyo waliba dadka shacabka ah.

Sidoo kale Talisyada Ciidamada Alshabaab iyo Amisom midkoodna sooma hadal qaadin weerarkaan duqeymaha ah ee loo geystay deegaanka Janaale oo ah deegaan dhul beeraadka ku haboon waxaana mara wabiga shabale.

Xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

Leave A Response »