SAWIRO+VIDEO: Kooxda Milan oo xalay iska reebtay Juventus kulan aad u adkaa

dr.yare October 23, 2016 0

(xamarweyne.com):-Kooxda Kubada cagta Ac Milan oo ka mid ah kooxaha ugu awooda badan horyaalka Talyaaniga iyo guud ahaan midka caalamka ayaa xalay iska reebtay kooxda ay aadka u xifaaltamaan ee juventus.

Milan ayaa ku adkaatay 1-0 kulanka 9aad ee horyaalka Talyaaniga waxaana halka gool u saxiixay Milan qeybta danbe ciyaaryahanka lagu magacaabo Manuel Locatelli.

Goolka Milan ayaa yimid qeybta danbe ee ciyaarta daqiuiqadii 65aad xili labada naadiba ay goolal wada raadinayeen taasoo ugu danbeyn Milan u sahashay inay sedexda dhibcood la wareegaan.

Ac Milan waxay iminka aad ugu soo dhawaatay Kooxda Juventus oo hogaanka wali sii heysa waxayna leedahay 21 dhibcood halka Milan leedahay 19 dhibic waxana u dhexeeya laba dhibcood oo kaliya.

Dhanka kael xalay waxaa Horyaalka Talyaaniha la ciyara ciyaar kale oo dhexmartay kooxaha kala ah Sampdoria iyo
Genoa waxaana 2 – 1 ku adkaatay Sampdoria .

xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

mil

mil1

mil2

mil3

Leave A Response »