WAR DEG DEG AH: Xoogaga alshabaab oo qabsaday deegaanka Halgan markii ay saaka isaga baxeen Ciidamada Itoobiyaanka iyo Soomaalida

dr.yare October 23, 2016 0

(xamarweyne.com):- Wararka laga helayo Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in alkasi ay saaka isaga baxeen ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiyaanka.

Ciidamadaan ayaa saldhigyo waa weyn ku lahaa deegaankaasi halkasoo ay mudo ka ilaalinayeen degaankasi tan iyo markii sanado ka hor laga saaray xoogaga alshabaab.

Sidoo kale Xoogaga alshabaab ayaa isla markiiba waxaa la soo sheegayaa inay soo galeen lana wareegeen gaca ku heynta deegaankaasi iyagoo si gaar ah u degay saldhigyadii ay baneeyeen Amisom iyo Soomaalida.

Dhanka kale mas’uuliyiinta maamulka Degaanka Halgan ee dhanka Dowlada ayaa laftooda la sheegay inay hore u raaceen ciidamada markii ay baxayeen sababo amni .

Xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

Leave A Response »