Milan iyo Juventus oo Caawa isku dhagan

dr.yare October 22, 2016 0

milan-iyo-juventus
(xamarweyne.com):-Kooxaha ugu waa weyn Talyaaniga AC Milan iyo Juventus ayaa caawa isku dhagan kulanka 9aad ee Horyaalka kubada cagta dalkaasi waxaana lagu ciyaari doonaa garoonka Kooxda Milan.

Kooxda Juventus ayaa hogaanka u hayesa horyaalka Talyaaniga waxxay leeyihiin 21 dhibcood halka Milan oo ku soo xigta ay leedahay 16 dhibcood sidoo kale Roma ayaa iyana leh 16 dhibcood waliba farqiga goolaha ayay ka badan yihiin Milan.

ulankaan ayaa noqonaya kii 196aad ee dhexmara labada naadi waxaana ka dhaxeeya xifaaltan mudo soo jirey ,labada taageere ee kooxda ayaa caawa si weyn u camari dopona garoonka.

Milan ayaa aad ugu dhawaan doonta Juventus hadii ay ka adkaadaan waxayna u jirsan doonaan laba dhibcood kaliya halka hadii laga adkaado ay noqon doonto in 8 dhibcood laga sii dheeraado.

xafisa Muqdisho
xamarweyne.com

Leave A Response »