War Deg Deg ah: Rasaas Goos Goos ah oo ka bilaabatay Magaalada Gaalkacyo

dr.yare October 20, 2016 0

(xamarweyne.com):-Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi uu saaka dib uga bilowday is rasaaseyn goos goos ah oo u dhexeeya ciidamada labada maamul ee Galmudug iyo Puntland.

Is rasaaseyntaan ayaa imaaneysa xili maalmihii ugu danbeeyay xaalady daganeyd islamarkaana odayaasha iyo siyaasiyiintu ku howlanaayeen sidii xabad joojin loo gaari lahaa,loona dhameyn lahaa colaada.

Xaafada Garsoor oo ah halka la isku hayo ayaa rasaasta laga maqlayaa iyadoo wararka qaarna sheegayaan in mararka qaar la maqlayo madaafiic taasoo soo dedejin karta in dagaal weyni dib u qarxo.

Si kastab wixii kusoo kordha wararkeena danbe ayad kala socon doontaa insha Allaah.

xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

Leave A Response »