Kenyaati Soomaaliya u soo safray oo muteystay xabsi

dr.yare October 19, 2016 0

(Xamarweyne.com):-Dowlada Kenya ayaa dadkeeda danbi uga dhigtay inay aadaan Soomaaliya,waxaana warbaahinta kenya iminka aad looga hadal hayaa nin kenyaati ah oo Soomaaliya yimid kuna laabtay dalkiisa.

Ninkaan Kenyaatiga ah oo lagu magacaabo Simon Karuga Gitau islamarkaana 32 jir ah ayaa lagu xukumay 10 sano oo xarig ah markii lagu eedeeyay inuu Soomaaliya tagay kana soo laabtay ,waxay sidoo kale ku eedeeyeen inuu u tagay sidii uu alshabaab ugu biiri lahaa.

Qareen u doodayay ninkaan ayaa sheegay inuusan u socon soomaaliya balse uu doonayay inuu ka shaqeysto Magaalada Madhera laakiin qareenada ka soo horjeeda ayaa ku gacan sayray waxayna ku eedeeyeen in Soomaaliya uu gudaha u galay ilaa 9km.

Dowlada Kenya waxay ku adkeysaneyaaa in cid kasta oo kenyaati ah oo fiiso la’aan gasha Soomaaliya ay tahay cid dooneysa inay ku biirto alshabaab sidaas daraadeedna uu danbiiile yahay.

Xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

Leave A Response »