Maamulka Galmudug oo beeniyay in Warqad ay kaga timid dhanka QM

dr.yare October 17, 2016 0

(Xamarweyne.com):-Kadib markii dhawaan uu soo baxday waarar sheegaya in Xafiiska Qaramada Midoobe ee arimaha Soomaaliya uu warqad u soo direy maamulka Galmudug kaasoo lagu diidan yahay in C/qeybdiid ka mid noqdo aqalka sare ayaa waxaa ka hadlay aritaasi Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi.

Gudooomiye Cali Gacal Casir wuxuu si weyn u beeniyay in maamulkooda uu soo gaaray warqad ka timid Safiirka QM ee arimaha Soomaaliya.

“dalab kaga yimid dad kale laguma saari karo muwaadin reer Galmudug ah oo ay doorteen xidhibaanada maamulka”ayuu yiri Cali Gacal.

C/qeybdiid oo ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii dalka soo maray ayaa dhawaan loo doortay inuu ka mid noqdo xubnaha aqalka sare waana mida keentay wararkaan iska hor imaanaya.

Xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

Leave A Response »