Kooxda Ac Milan oo soo tiigsatay kaalinta labaad

dr.yare October 17, 2016 0

(Xamarweyne.com):-Kooxda Kubada Cagta Ac Milan ayaa soo tiigsatay kaalinta labaad marka la eego horyaalka heerka koowaad ee Dalka Talyaaniga.

Kooxdaan oo ka mid ah kooxaha ugu waa weyn dunida ayaa sanadihii ugu danbeeyay waxaa soo foodsaaray dib u dhac sababay inay xitaa soo gaari waayaan tartanka horyaalada kooxaha reer Yurub ku tartamaan ee Champions league loo yaqaan.

Kooxda Milan ayaa xalay guul fiican ka gaartay kulankeedii 7aaad ee Horyaalka Talyaaniga markii ay 3-1 ku garaacday kooxda ChievoVerona.

Milan waxay iminka leedahay 16 dhibcood waxaana ka sareeya oo kaliya Kooxda Juventus oo leh 21 waxaana sidoo kale 16 dhibic la leh kooxda Roma.

Xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com
miln

milno

Leave A Response »