Ciyaaryahan Bogba oo sheegay inuu u baahan yahay waqti uu la qabsado kooxdiisa Man Utd

dr.yare October 17, 2016 0

bogba1
(Xamarweyne.com):-Kubad qaabeeyaha Kooxda Mancshester Utd ayaa ka hadlay eedeymaha loo jeedinayo xiliyadaan danbe taasoo ku aadan inuu la iman qaab ciyaareed fiican tan iyo markii lacagta faraha badan ay ka soo bixisay kooxda Man Utd.

Laacibkaan oo markii uu joogay kooxdiisii hore ee Juventus aad ula heystay ayaa tilmaamay inuu u baahan yahay waqti uu kula qabsado kooxdiisa cusub sida matoorkuba u baahan yahay waqti uu ku daarmo .

“waxaan u baahanahay waqti aan kula qabsado kooxda sida matoorkuba ugu baahan yahay waqti uu ku shidmo”ayuu yiri Bogba
Sidoo kale wuxuu sheegay in dhagaha ka fureysto dhaliilaha loo jeediyo isagoo xusay in marka uu ciyaaro uu dhageysto muusik.

Waxaa kale uu ka hadlay xidigaan reer Faransa macalinkiisa Morinho isagoo ku amaanay inuu yahay macalin wanaagsan islamarkaana gaarsiin kara qaab ciyaareedka xiga.

Wuxuu sidoo kale amaanay weerar yahanka reer Sweden Zlatan Ibrahimovic isagoo sheegay inuu yahay laacib guusha jecel.

Xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

Leave A Response »