Shariif Xasan oo Maanta shaacinaya inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya

dr.yare October 17, 2016 0

(Xamarweyne.com):-Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa inuu maanta ku dhawaaqo inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Sida sharciga Dowlada uu yahay waxaa qasab noqoneysa inuu iska casilo xilka uu hada hayo hadiiba uu ku dhawaaqo inuu yahay musharax Madaxweyne.

Sanadkii 2002-dii ayuu sidan oo kale isku soo sharaxay laakiin waxaa arintiisa fashaliyay Gudoomiyaha xiligaan ee baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari madaama ay isku heyb ka soo jeedaan.

Si kastaba wax walba waxay kala cadaanayaan marka uu maanta iclaamiyo inuu yahay musharax madaxweyne.

Xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

Leave A Response »