Al-shabaab oo sheegtay inay soo rideen diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn.

dr.yare October 16, 2016 0

drons-alshabaab
(Xamarweyne.com):- war ka soo baxay dhanka Alshabaab ayay ku sheegteen inay soo rideen diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan drons-ka.

Diyaaradaan oo ay sheegeen in laga leeyahay Mareykanka waxay ku soo dhacday Deegaanka Qudus oo Qiyaastii 45-KM u jirta Magaalada Kismaayo halkaasoo shabaabku maamulaan.

Sidoo kale warka alshabaab ka soo baxay waxaa lagu sheegay in diyaaradaan oo ka soo duushay saldhiga ciidamada Mareykanku ku leeyahay garoonka diyaaradaha Kismaayo inay ku xirnaayeen kaamirooyin wax basaasa islamarkaana mareykanku uu ka helo macluumaad.

Sarkaalka alshabaab u hadlay wuxuu xusay inay la wareegeen dorns-ka oo aaney soo gaarin bur bur sidaas u weyn mana uusan carabaabin dhanka ay la adeen waxa ay ka heleen .

Maaha markii ugu horeysay oo shabaabku qabsadaan diyaarad Drons- ah ,hore ayay dhow mar deegaanada ay ka taliyaan ugu soo dhacday diyaarad nuucaasi ah.

Xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

Leave A Response »