Haweeneydii Labaad oo ka mid noqotay Xubnaha Aqalka Sare

dr.yare October 16, 2016 0

(Xamarweyne.com):-Iyadoo ay wali socoto tartanka loogu jiro xubnaha aqalka sare ee ka imaanaya dhanka maamulada ayaa waxaa la doortay haweeneydii labaad oo ka mid noqota xubnahaasi.

Jawaahir Axmed Cilmi ayaa nasiib u yeelatay inay ku guuleysato xubinimada aqalka sare ee Dowlada Soomaaliya waxaana laga soo doortay dhanka Maamulka Galmudug.

Haweeneydaan ayaa ka guuleysatay Cabdisamad Macalin Maxamuud iyo Eng. Xasan Maxamuud Maxamed kuwaasoo kula tartamayay xubinimada aqalka sare ee dhanka Galmudug ka imaanaya.

Zamzam Daahir Maxamuud ayaa ahayd haweeneydii ugu horeysay ee soo gasha xubnaha aqalka sare ee Dowlada Soomaaliya.

Xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

Leave A Response »