Xaasaska ciidamada Alshabaab oo loo hanjabay

dr.yare October 15, 2016 0

(xamarweyne.com):-Maamulka Dowlada Soomaaliya ee degmada Bardhere ee Gobolka Gedo ayaa markii ugu horysay soo saaray warbixin ay ugu hanjabayaan xaasaska ciidamada Alshabaab ee ku nool degmadaasi.

Warka ka soo baxay Maamulka baardheere ayaa loogu hanjabay dhamaan haweenka u dhaxay Ragga Alshabaab inay isaga baxaan Magalaada hadii kale talaabo laga qaadi doono.

Ciidamada waxaa faray inay mudo asbuuuc ah magaalada kaga saaraan haweenkaasi islamarkaana ay guud ahaan magaalada ka soo raadshaan haweenka ,tii lagu arkana gacanta lagu ssoo dhigo.

Amarka ka soo baxya maamulka baardheere waxaalagu faray haweenka alshabaab inay u dhaqaqaan dhanka deegaanada ay ka taliyaan ragooda laakiin ay dedeg kaga baxana Bardheere.

Maamulka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Juba ayaa sidaan oo kale hore waxay magaaladaasi uga masaafuriyeen dhamaan haweenka u dhaxa raga alshabaab ka tirsan.

xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

Leave A Response »