Ra’iisul-wasaare Cumar C/rashiid oo Cadaado kula shirey Madaxda Galmudug kuna sii jeeda Garooowe

dr.yare October 15, 2016 0

(xamarweyne.com):-Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo shalay gaaray Magaalada Cadaado ayaa la soo sheegayaa inuu la shirey Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cweli Xuseen Guuleed iyo mas’uuliyiin kale.

Kulankaan waxaa looga hadlay sidii loo xalin lahaa colaada ka taagan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug iyadoo dad badana ay ku dhinteen dagaalo dhexmaray labada maamul.

Waxyaabaha la isla soo qaaday waxaa ka mid ahaa qorshe xabad joojin lagu dhaqan geliyo si wada xaajood la isugu yimaado,lamana sheegin wax caqabad ah oo ka hor yimid wafdiga Ra’iisulwasaaraha.

Wafdiga Ra’iisulwasaaraha waxaa lagu wadaa inay u gudbaan dhanka Puntland si ay madaxda Puntland ugu soo qanciyaan wada xaajoodka la doonayo in lagu xaliyo colaada ka taagan Gaalkacyo.

Ra’iisulwasaaraha waxyaabihii uu kala hadlay madaxweynaha Galmudug waxaa kale ka mid ahaa sidii loo fulin lahaa heshiiskii hore looga gaaray arinta gaalkacyo.

xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

Leave A Response »