Galmudug oo markeeda ku eedeysay Puntland inay taageero ka hesho daacish

dr.yare October 14, 2016 0

(Xamarweyne.com);-War ka soo baxay maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay in xoogaga daacish ay ka garab dagaalamayaan ciidamada maamulka Puntland ee dagaalka kula jira kuwa Galmudug.

Sarkaal u hadlay maamulka Galmudug ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay shalay ay la galeen Puntlamd iyo daacisha isla socday.

“qaar ka mid ah dagaalamayaasa daacisha ayaan ku dilnay dagaalka dhawaana saxaafada ayaan u soo bandhigi doonaa”ayuu yiri sarkaal u hadlay Maamulka Galmudug.

Warka maamulka Galmudug ayaa ku soo aadaya xili sidan oo kale maamulka Puntland iyagana ku eedeyeen alshabaab iyo Dowlada inay la soo safteen maamulka Galmudug.

Xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

Leave A Response »