Cristiano Ronaldo Oo Loo Doortay Xidigii Ugu Fiicnaa Champions League Xili CIyaareedkii Hore

dr.yare October 14, 2016 0

ronaldo
Abaalmarinta xidigii ugu fiicnaa Champions league xili ciyaareedkii 2015/16 Champions League ayaa la gudoonisyay Cristiano Ronaldo xalay kadib xaflad ka dhacay hoteelka AC Hotel La Finca.

Kadib 16 gool uu ka dhaliyay tartankii dhamaaday iyo rigooradii ay kooxdiisa koobka ku qaaday kulankii finalka Milan, xidiga garabka ee Real ayaa loo doortay xidigii ugu fiicnaa ee ay u codeyeen aqristeyaasha shabakadaha MARCA iyo La Gazzetta dello Sport waxaana abaalmarinta gudoonsiiyay tifaftiraha Marca, Juan Ignacio Gallardo iyo agaasime ku xigeen Gianni Valenti waxaana xaflada goobjoog u ahaa Florentino Perez, Zinedine Zidane iyo shirkada ganacsi.

“Marnaba ma aanan rajeyneen inaan gaaro tiradaan, waxaan ogaa in Real Madrid tahay kooxda ugu weyn aduunka kumana aanan fakarin inaan dhaafi doono goolashii [Alfredo] Di Stefano iyo Raul.”

“Dhiirogelinteyda ugu weyn waa inaan guulo ku gaaro kooxda ugu fiican aduunka.” ayuu yiri Cr7

XIGASHO LAACIB

Leave A Response »