Puntland oo ka jawaabtay warkii Dowlada ee ahaa inay ciidamo kala dhex dhigeyso qeybaha isku haya Magaalada Gaalkacyo.

dr.yare October 14, 2016 0

(Xamarweyne.com):-Maamulka Puntland ayaa si dadban waxay uga jawaabeen war shalay ka soo baxay Dowlada Soomaaliya kaasoo ay ku sheegtay inay ciidamo kala dhex dhigeyso ciidamada Gaalkacyo ku dagaashan ee Puntland iyo Galmudug.

Shir ay yeesheen Wsiirada Puntland islamarkaana uu shir gudoominaya madaxweynaha maamulka Puntland C/weli gaas ayaa lagu sheegay inaaney xiligaan dalka ka jirin ciidamo loo wada dhan yahay oo uu leeyahay Qaranka Soomaaliyeed.

“xiligaan ma jiraan ciidamo Qaran oo dalku leeyahay kuwaasoo laga soo kala xulay Soomaaliweyn”ayuu yiri
War murtiyeed ka soo baxay Wasiirada Puntland waxaa lagu sheegay in maamulkaasi dhowr mar ka sheegay shirka madasha qaran inay muhiim
tahay in la sameeyo ciidamo Qaran.

Si kastaba warka Puntland ayaa loo qaadan karaa inuu jawaab dadban u yahay baaqii Dowlada ere ahaa inay ciidamo u diri doonaan Gaalkacyo.

Xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

Leave A Response »