Antonio Conte Oo Qaar Ka Mid Ah Difaacyada Kooxdiisa Ka Diraya Stamford Bridge Kadib Guuldaradii Cuslayd Ee Kooxdiisa Ka Soo Gaadhay Arsenal

dr.yare September 26, 2016 0

Tababaraha kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa diyaar u ah in uu Stamfrod Bridge ka nadiifiyo difaacyada kooxdiisa ee qaab ciyaareedka liita soo bandhigay, waxaana difaacyada uu Conte u cadhaysan yahay ka mid ah Branislav Ivanovic , Gary Cahill iyo David Luiz oo ceeb kala soo laabtay kulankii Emirates Stadium ee ay Gunners 3:0 ku dubatay Blues.

Antonio Conte ayaa xaqiijistay in kooxdiisu ay xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah ay ku dhamaysan doonto kala badhka miiska kala saraynta Premier Leaque-ga haddii ay horumar samayn waayaan, wuxuuna diyaar u yahay in uu xoojin difaac u sameeyo kooxdiisa marka uu bisha January suuqu furmo iyada oo difaacyada hadda jooga ay xaaladu ku xumaan doonto.

sank7
Antonio Conte ayaa ka cadhaysan in kooxdiisa 12 gool lagaga dhaliyay afar kulan oo kaliya isla markaana ay guuldarooyin kala kulantay labadii kooxood ee waa waynaa ee ugu horeeyay ee ay xili ciyaareedkan la ciyaartay kuwas Conte ayaa sidoo kale maanka ku haya in John Terry uu ku jiro waqtiyadii ugu danbeeyay ee waayihiisa ciyaareed taas oo ku qasbaysa macalinka ree Italy in uu suuqa ka raadsado badalkii kabtanka kooxdiisa. Zouma ayaa wax badan ku soo kordhin kara safka difaac Blues laakiin dhaawicii halista ahaa ee xili ciyaareedkii hore soo gaadhay ayaa wali dhibaato ku haya.
oo kala ah Liverpool iyo Arsenal.

sanjez
Conte ayay dhaawac kaga maqan yihiin John Terry iyo dayarka Kurt Zouma laakiin waxaa sidoo kale halis ku jira booska David Luiz oo dhawaan dib ugu soo laabtay Chelsea kaas oo muujiyay qaab ciyaareed aad u liita isla markaana ay cabsi badani ka muuqatay kulamadii uu ciyaaray.

Conte ayaa suuqii xagaaga si wayn u doonayay Leonardo Bonucci oo Juventus uu kula soo shaqeeyay iyo Kalidou Koulibaly oo Napoli ka tirsan balse waxa uu ku guuldaraystay in uu helo labadan difaac ee muhiimka ah. Taas badalkeeda Conte ayaa maalintii ugu danbaysay Paris Saint-Germain kala soo wareegay David Luiz halka sidoo kale ay Blues ay kooxdeeda ku soo xoojisay Marcos Alonso oo aan wali kooxda saamayn ku yeelan.

xigasho laacib.net

Leave A Response »