Ciidamo gadoodsan oo ka tirsan Maamulka Punland oo caawa qabsaday xarunta Bangiga Garoowe.

dr.yare September 25, 2016 0

(Xamarweyne.com):- wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa sheegaya in caawa ciidamo gadoodsan ay qabsadeen xarunta Bangiga ee Maamulkaasi.

Ciidamadaan oo la sheegay inay yihiin kuwa loo yaqaan argagaxiso la dirirka ayaa la soo sheegayaa in caawa ay isku gadaameen xarunta bangigaasi iyagoona diiday in la galo iyo in laga baxo.

Ujeedka ay ciidamadaan u qaadeen talaabadaasi ayaa lagu soo sheegay inay ka cabanayaan mushaar la’aan lamana oga jawaabta ay bixin doonaan madaxda sare ee maamulkaasi.

Wadahadal hoose ayaa la soo sheegayaa inay u socdaan Madaxda iyo saraakiiisha hogaamineysa ciidamada gadooodsan.

Xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

Leave A Response »