Diyaarad Dagaal oo duqeysay Magaalada Jilib

dr.yare August 10, 2016 0

(xamarweyne.com):-Diyaarad Dagaal oo aan la aqoon halka laga leeyahay ayaa duqeyn ka geysatay magaalada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe halkaasoo ay maamulaan xoogaga Alshabaab.

Wararka laga helayo dadka ku dhaqann magaaladaasi ayaa sheegaya in diyaaradaani ay bartilmaameed ka dhigatay koontoroolka laga galo magaladaasi halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidamo alshabaab ka tirsan.

Ilaa iyo iminka waxaa la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee alshabaab ciidamadooda ka soo gaaray duqeymahaasi kaliya waxaa la soo warinayaa inay duqeymaha ku dheceen koontaroolka ay xoogagaasi joogeen.

Dhanka kale ma jirto wax war ah oo dhanka alshabaab iyo Dowlada Soomaaliya midkoodna ka soo baxay marka la eego duqeymaha xalay ku dhacay magaalada jilib oo cabsi iyo qal qal geliyay dadka shcabka ah.

Sidoo kale duqeymahaan waxay ku soo aadayaan xili xoogaga alshabaab maalin ka hore meel fagaare ah ku gubeen ilaa shan gaari oo ay ku sheegeen inay ku xiran yihiin qalabka wax basaasa.

xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

Leave A Response »