Hadal uu jeediyay Donal Trump oo laga cabsi qabo inuu xiisad ka dhex dhaliyo xisbiyada siyaasadeed ee dalka Mareykanka.

dr.yare August 10, 2016 0

(Xamarweyne.com):-Musharaxa madaxweynaha Mareykanka ee mayalka adag islamarkaana cunusuriga ah ayaa mar kale jeediyay hadal caro abuuuri kara markii uu wax ka sheegay hogaamiyaha xisbiga tartanka uu kala dhexeeyo Hillary Clinton.

Hogaamiyahaan cunsuriga ah ayaa mar la soo shegayaa in hadal uu jeediyay ay suurtagal tahay inay qoorta isu galaan taageerayasha xisbigiisa Jamhuuriga iyo xisbiga kale ee dimuquraadiga.

Donald Trump ayaa ugu baaqay taageerayaasha xisbigiisa Jamhuuriga inay ka hortagaan in Hillary Clinton ay kansasho sharciga xuquuqda lahaanshaha hubka ee dalkaasi.

Warkaan ayaa xiiisad dhaliyay iyadoo loo qaadan karo in Donal Trump uu warkiisa ula jeedo hubkaad heysataan kaga hortaga madaxda xisbiga kale.

“Hillary Clinton waxay awood u heli kartaa inay kansasho sharciga lahaanshaha hubka ee dadka mareykanka hadii loo doorto inay noqoto Madaxweyne”ayuu yiri Donald Trump

Musharaxaan ayaa hore cambaareyn badan kala kulmay hadalo xumaan geliyay dadka muslimiinta ah oo uu jeediyay intii uu ololaha ugu jirey inuu noqdo musharaxa xisbiga Jamhuuriga.

Xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

Leave A Response »