Xasan Muungaab oo xil wasiir loo magacaabay iyo Madaxweynaha oo ogolaaday

dr.yare August 10, 2016 0

(Xamarweyne.com):-Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Xuseen Muungaab ayaa xil wasiir waxaa looga magacaabay Xukuumada Soomaaliya kaasoo aan wax xil ah qaban tan iyo markii xilka laga qaaday bishii oktoobar ee sanadkii hore.

Ra’iisulwasaaraha ayaa u magacaabay Muungaab inuu noqdo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya waxaana aqbalay oo dhankiisa ogolaaday Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa saxiixay soo jeedin ka timid dhanka ra’iisulwasaaraha taasoo dhaqan gashay maalinimadii shalay.

Si kastaba waxaa lagu wadaa inuu saaxada siyaasada ku soo laabto Xasan Muungaab oo markiisii hore ku soo caan baxay xilka Gudoomiyihii Maxkamda ciidamada xiligi Dowladii shariif.

Xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

Leave A Response »