SAWIRRO: Macalin Zidane oo koob kale oo muhiim ah u qaaday Kooxdiisa Real Madrid

dr.yare August 10, 2016 0

(Xamarweyne.com):-Kooxda Real Madrid ayaa xalay ku guuleysatay Koobka Eufa Super Cup kadib markii ay xalay iska hor imaadeen Kooxda Savila ee isla dalkaasi ka dhisan iyagoona uga adkaaday 3-2.

Macalin Zidane oo dhawaan xilkaan loo magacaabay ayaa xalay mar kale u suurtagaliyay kooxdiisa inay hanato koob muhiim ah kaasoo ay ku tartamaan labada koox ee soo kala qaada koobabka UEFA Champions League iyo UEFA Europa League.

Ciyaartaan oo xalay ka dhacday Magaalada Trondheim ee dalka Norway ayaa waxaa ka soo qeybgalay daawadayaal aad u badan xili kulankaasi ahaa mid aad u adag.

Goolka koowaad waxaa Real Madrid u saxiixay daqiiqadii 21-aad Da’yarka Marco Asensio halka Labada kale ay raaciyeen labada daafac ee kala ah Dani Carvajal iyo Sergio Ramos kuwaasoo sidoo kalana iskula jira Qaranka Spain.

Kooxda Spain ayaa xalay waxaa ka maqnaa laacibiin muhiim u ahaa sida labada isku wadanka ah ee kala ah Cristiano Ronaldo iyo Pepe,waxaa kale oo maqnaa Toni Kroos, Bale iyo Goolhaye Keylor Navas .

xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com
madrid

madrid1

madrid2

madrid3

madrid4

madrid5

madrid6

madrid7

madrid8

madrid9

madrid10

madrid11

madrid14

madrid16

madrid134

Leave A Response »