Arsene Wenger Oo Ka Dhawaajiyay Sababta Rasmiga Ah Ee Ay Kooxdiisa Ugu Liidato Suuqa Kala iibsiga Ciyaartoyda

dr.yare August 10, 2016 0

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa ka hadlay sababta rasmiga ah ee ay kooxdiisa ugu liidato suuqa kala iibsiga ciyaartoyda isagoo aaminsan iney adag tahay in la helo ciyaartoy tayo leh, balse uusan wali ka rajo dhigin inuu lasoo saxiixdo xidig tayo fiican leh xagaagan.

“Waxaan dooneynaa inaan qarash gareyno lacagta marka aan heysano” Ayuu yiri tababare Arsene Wenger oo la hadlayay Sky Sports.

Wenger
“Waxa aadka u dhib badan maanta waa in la helo ciyaartoy tayo leh kuwaas oo suuragal ah hadii aad si fiican u fiiriso, inkastoo dhamaan lacagaha suuragalka ah England ay yahiin kuwo aad u dhaq-dhaqaaq yar tan iyo bilowgii xili ciyaareedkaan”

“Waxaan ku jirnaa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda inkastoo aan hal dhinac diirada ku saareyno kuna qiimeyneyno ciyaartoyda ay tahay inaan helno qaab cajiib ah. Dhanka kale, dabcan waxaan isha ku heynaa inaan noqono kuwo xoog badan”

Si Kastaba Arsenal ayaa la fahansan yahay iney u baahan tahay laba difaac oo awood leh iyo weeraryahan tayo wanaagsan si ay kooxda u noqoto mid dhameystiran.

XIGASHO LAACIB.NET

Leave A Response »