Dibad baxyada rabshadaha wata iyo dhimashada oo ku sii kordheysa Itoobiya

dr.yare August 9, 2016 0

dibadbax
(Xamarweyne.com):-Tirada dadka shacabka ah ee ciidamada Itoobiya leyneyso ayaa sii kordhaysa tan iyo markii dhawaan ay bilowdeen dibad baxyada ay dhigayaan shacabka dadkaasi ugu badan ee Oromada iyo Amxaarada.

Sida ay sheegtay Hay’adda xuquuqda aadanaha, Amnesty International waxay dhimashada mareysaa ilaa boqol ruux kuwaasoo dhamaantood ah shacab ay si bareer ah u xasuuqeen ciidamada Itoobiya ee diidan in dibad baxyadu sii socdaan.

Rabshadahaan oo hore mar u kacay balse la qaboojiyay ayaa iminka dib usoo kacay waxaana shalay kaliya 30 ruux lagu dilay Magaalada Bahir Dar markii ciidamada Itoobiya rasaas ooda kaga qaadeen dadka isu soo baxa dhigayay.

Dadkaan dibad baxyada dhigaya ayaa u badan Oromada iyo Amxaarada wuxuuna salka ku hayaa is heysadka ciidamada iyo shacabka markii
Dowlada Itoobiya bilowday balaarinta caasimada Itoobiya ee Adis-ababa iyagoo dhul weyn kaga soo darsaday dadka oromada ah kuwaasoo aan raali ka aheyn.

Sidoo kale Amxaarada iyo Oromada waxay ka tirsanayaan Dowlada itoobiya iyo mansabka iyo sidaasada dalka ay isku kali yeeleen dadka Tikreeda oo ah dadka ugu yar qowmiyadaha Itoobiya laakiin ay xukunka xoog kula wareegeen sanadkii 1991-dii.

Dhanka kale waxaa xiisada sii kicinaya kumanaan shacab ah oo xabsiyada lagu ururshay xili ay wadeen dibadbaxyada looga soo horjeedo Dowlada.

Xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

Leave A Response »