Soomaali hore dil uga geystay London oo Maxkamad la soo taagay.

dr.yare August 7, 2016 0

(Xamarweyne.com):-Wiil Soomaali ah oo madaxa looga jiro islamarkaana dhawaan dad ku laayay magaalada London ee xarunta Dalka Britain ayaa iminka maxkamad la soo taagay.

Wiilkaan oo lagu magacaabo Zakariya Bulhan islamarkaana 19 jir ah ayaa loo heystaa dilka haweeney u dhalatay dalka Mareykanka iyo dhaawac sadex ruux kale.

Dhibaatadaan oo dhacday arbacadii hore ayuu gacan ku dhiigluhu adeegsaday Toorey waxaana markii danbe gacanta ku dhigay Boliiska.

Inkastoo Maxkamadu go’aan qaadan ayaa hadana wararka hour dhaca ah waxay sheegayaan in taliska Boliiska London u aqoonsaday dhacdadaasi mid aan raad ku laheyn falalka ay u yaqaaniin kuwa argagaxisada.

Xafiiska Muqdisho
xamarweyne.com

Leave A Response »